SAWIRRO: Maxkamadda Gaalkacyo oo xukuno xabsi ah ku Riday 8 Ruux

Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta waxa ay Xukuno kala duwan ku riday Rag eedeysanayaal ah oo ay dhawaan Gacanta ku soo dhigeen Ciidamada amaanka ee Galmudug ka dib howlgal ay sameeyeen.

Kaaliyaha Maxakamada Darajada koowaad ee gobolka Mudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe ayaana ku dhawaaqay xukunka sideedaan ruux, ugu horeyna waxaa uu kudhawaaqay xukunka eedeysanayaasha lagu soo qabtay sida uu
sheegay ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

“Maxkamadu waxa ay ku Xukuntay 4 Nin ee lagu soo eedeeyay Isbaarada mid 2 Sano, halka 4 kale ee waxyaabaha Maanka Dooriya lagu qabtay midkood ay ku Xukuntay 2 Sano iyadoo 3 kalana ay ku Xukuntay mid 1 Sano iyo 6 Bilood ” ayuu yiri Kaaliyaha Maxkamadda.

Kaaliyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Mudug Dr
Maxamed Jaamac Diirshe ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan karto muddo 30-cisho gudohood ah ciddii dacwo ka qabta xukunka maxkamada.