Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Bula Burde Mudane Cabdi Daahir Guure ayaa furay Waddada laamiga ah ee dhexmarta Magaalada taasi oo muddo u xirneed Ciidamada Amisom, iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana waddadaasi ay tahay mid shacabka ay isticmaali karaan, waxaana ay ku timid in la furo waadadaasi kulamo xiriir ah oo dhex maray Guddoomiyaha iyo Saraakiisha Ciidamada.
Arintaan ayaa timid kadib Markii uu la kulmay Gudoomiyaha degmada Saraakiisha Ciidamada AMISOM,islamarkaana uu ka codsaday in ay baneeyaan wadada.
Shacabka degmada ayaa bilaabay qaadista dhagaxaaNta waa weyn ee wadadaasi ay ku jareen ciidamada AMISOM.



