SAWIRRO: Gudoomiye Taabid oo AMISOM kala hadlay Arrimo muhiim ah

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Midowga Afrika ayaa gudi u xil saaraya sidii Ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho oga bixi lahaayeen, maamulka garoonkana dib loogu soo celin lahaa gacanta Maamulka Gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa timid ka dib markii kulan uu maanta ku dhexmaray Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Maxamed iyo Wafdi uu Hogaaminayo Wakiilka Midowka Afrika Soomaaliya Francisco Caetano Madeira oo ka socda Howlagka AMISOM.

Gudoomiye Taabid ayaa ka codsaday Mandera in uu kala shaqeeyo sidii ciidamada AMISOM looga saari lahaa Garoonka.

Waxa ay sidoo kale ka wadahadleen  xoojinta Amniga Magaalada Muqdisho.