Zeynab Ibraahim Maxamed Cabdi Waa gabar yar oo 3 bilood jirta, qeybta dambe ee jirkeeda “ laf dhabarta “waxaa kaga yaallo oo ay ku dhalatay nabar kaasi oo kaasi oo dhibaatoweyn ku haya nolosheeda.
Zeynab waxaa dhalay Aabo iyo Hooyo danyar ah oo aan awoodin iney maareeyeen xaalada Caafimaad ee gabadhooda.
Qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho markii lageeyay gabadha yare ee xanuunsan waxa waalidka loo sheegay in gabadha la qalayo oo gabadhooda loo daaweynayo balse laga doonayo lacag dhan Kun doolar oo qaliin ah.
Waalidka dhalay gabadhaan oo aan awoodin iney iskabixiyaan lacagahaasi ayaa la soo xiriiray qaar ka mid ah Wariyaasha Muqdisho, waxana laga duubay Muuqaal, sidoo kalena waxa laga qaaday Sawiro oo lagu baahiyay baraha bulshada.
Dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibbada kala jooga ayaa durba ka soo jawaabay codsiga Hooyo Nafiso C/qaadir Xasan, sidoo kale qaar ka mid ah wariyaasha waxa ay jeebkooda ka bixiyeen intii ay awoodeen oo lacago ah.
Waxaa suurta gashay in la aruuriyo lacag dhan $ 1,100 { Kun iyo boqol doolar }, labo boqol oo doolar, labo boqol oo ka mid ah lacagtaasi gabadha ayaa lagu quraan saaray oo xoolo loogu qalay si Illaaheey uu ugu guuleeyo qaliinka ay galeyso Insha ALLAH Wayna ku guuleysaneysaa, waxaana soo haray lacag dhan 900 oo doolar.
Wariyaashii howshan gurmadka ku mashquulsanaa ayaa habeenkii Jimcaha soo galeysay u bandhigay xaalada gabadha iyo lacagta ay u baahan tahay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabid Cabdi Maxamed.
Guddoomiye Thaabid ayaa balan qaaday inuu bixinayo lacagaha dhiman si gabadha qaliin loogu sameeyo, sidoo kalena waxa uu wariyaasha ka balan qaaday in inta ay isbitaalka ku jirta lacag walbo oo ay u baahdaan qoyska gabadha yar inuu bixinayo.
Wariyaashii howshan gurmadka ku mashquulsanaa iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Shalay Subax si wadajir ah u booqday guriga qoyska gabadha yar ay degan yihiin oo ku yaalla Xaafad ka mid ah degmada Kaaraan.
Waalidka dhalay gabadha yar ee xanuunsan iyo guddoomiye Thaabid ayaa dhex maray sheekadan.
Waalidka dhalay gabadha yar ayaa u mahad celiyay Wariyaasha iyo guddoomiyaha gobolka banaadir ee ka shaqeeyay in qaliin deg deg ah lagu sameeyo gabadha isla markaana ay hesho wixii ay u baahneyd oo lacago iyo daryeel caafimaad ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa markii uu booqday guriga qoyska amar ku bixiyay in gabadha la geeyo Isbitaalka Digfeer si qaliin loogu sameeyo nabarka ku yaalla, waxa uuna la hadlay dhaqaatiirta iyo Maamulka Isbitaalka.

Afhayeenka gobolka Banaadir, wariyaashii howshan gurmadka ah waday iyo Maamulka degmada Kaaraan ayuu guddoomiyeThaabid u xil saaray iney Isbitaalka geeyaan waana la geeyay isla shalay galab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa xalay maqribkii ku booqday gabadha yar qeybta laga jiifiyay isbitaalka.

Zeynab Ibraahim Maxamed Cabdi ayaa Saakay galeysa qaliin, waxaana loogu sameynaya qeybta dambe ee jirkeeda oo ah halka uu kaga yaallo nabarka.
Waalidka dhalay oo Idaacadda Risaala ay Saakay la xiriirtay ayaa xaqiijiyay in gabadhooda manta qaliin lagu sameynayo.
WD: Axmed Cabdi Cali



