SAWIRRO: DiyaaraddaTurkish Airline oo Saddex maalin ka dib Muqdisho ka degtay

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkisha Airlines oo ka mid ah Shirkaddaha Caalamiga ah ee kasoo dega garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ka degi wayday Garoonka ayaa maanta ugu dambeyntii degtay.

Goobjoogayaal ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa Risaala u sheegay in diyaarada oo rakaab siday Saddex maalin oo is xigta ay ka laabatay Muqdisho ka dib markii ay degi wayday.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxaa mamnuuc ka ah in diyaaradi degto, iyadoo dabeylo badan jiraan, waxaana ay ku degtaa cabir ku saabsan dhanka dabeysha.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Garoonka ayaa Risaala u sheegay in diyaaradda oo ay Saaran yihiin Rakaabkii Saddexda maalin ay lala laabatay in ay saakay kasoo degtay Muqdisho.

18700163_1914947822076346_37379597608855118_n 18740407_1914947842076344_7503644256585845915_n 18765586_1914947858743009_2634159196198545692_n