Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubabda Hoose waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.
Wafdiga ka socday xubnaha Beesha Caalamka oo uu hoggaminayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan ayaa waxaa ay Magalada Kismaayo kula kulmeen Xildhibaannada labada Aqal eek u sugan Magaaladaas.
Xubnaha Wafdiga oo kala ah Xafiiska Qaramad Midoobay, IGAD iyo AU/AMISOM iyo Xildhibaannada labada Aqal,waxaana diirada lagu saaray doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ee DG Jubaland iyo sidii ay ugu dhici lahaayeen si daahfuran oo nabad ah, laga feejignaado faragalin ka timaada gudo iyo dibad,sida uu sheegay Xildhibaan Fiqi oo kulanka ka qeyb galay.
Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa dhinacyo badan la iska tusaaleeyey waxeyna wafdigii saddex geesoodka ahaa hoosta ka xariiqeen in geedisocodka hanaanka doorashooyinka hubintiisa ay u socdeen ayna Jubbaland iyo dadkeedu leeyihiin go’aanka kama dambeysay.
Wafdiga uu horkacayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan oo weli kulamo ka wada Magalada Kismaayo ayaa waxaa la filayaa inay la kulmaan xubnaha Guddiga Madaxa bannaab ee xaduudaha & doorashooyinka Jubbaland.




