Ugu yaraan Laba qof ayaa ku dhaawamay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nuuca raaxada ah kuwaa oo la sheegay in si xawaare leh ay ku socdeeen.
Dhaawaca labada qof ayaa la sheegay in uu yahay kuwa daran, isla markaana la geeyey goobaha caafimaadka ee u dhaw, si loo dabiibo.
Shilkaan ayaa ka dhacay xaafadda Suuq bacaad ee degmada yaaqshiid gaar ahaan nawaaxiga daarta Soomaali Boosto. Ilo deegaanka ah ayaa moo sheegay in labada gaari ay ahaayeen kuwa Safar ka yimid, iyadoo mid kamida gawaarida isku dhacay uu ka muuqday burbur xooggan sida laga arkay sawir laga soo qaaday.
Ciidamada ilaalada Wadooyinka ayaa gaartay goobta uu shilka ka dhacay waxaana ay baarayaan sida uu u dhacay shilka. Goobta uu shilka ka dhacay ayaa ah wado istiraatiiji ah oo ay ku badan yihiin gaarida.
Mararka qaar waxaa ka dhacay Wadooyinka Muqdisho shilal sidaan oo kale ah kuwaa ay dad ku geeriyoodaan, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmaan, waxaana inta badan loo tiiriyaa Xirfad yari dhanka darawalada ah.