SAWIRO:-RW Khayre & Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub oo kulmay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxweyne ku-xigeenka midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Federica Mogherini oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay midawga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata bulshadeeda hal abuurka leh ee dhallinyarada u badan iyo khayraadkeeda dabiiciga ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu ka la qaatay Federica Mogherini ayaa qayb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midawga Yurub.