Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Xasan Waloore oo ay wehlinayasn Maamulka Dagmada Gaalkacayo iyo Maamulka Degmada Xarfo ayaa Wajiga labaad soo dhaweyn iyo Dibu-dajin usameeyey Dad Shacab ah oo laga soo Barakiciyey Magaalada Laascaanood oo Smsoo gaarey Dagamada Xarfo Ee Gabolka Mudug.
Shacabkaan ayaa ah qaybtii 2aad ee Dibu dajin, gargaar isugu jira caafimaad iyo Cuno loosameeyo, kuwaasoo laga soo barakiciyey Magaalada laascaanood ee Gobolka Sool.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa sheegay in Puntland mar walba soo dhaweeyneyso, isla markaana dadka doonaya inau aadaan degaannada kala ee dalka safarka u fududeeynayaan.
Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo uu wehlinayay Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaas ayaa Maanta shir ka yeeshay xaalada daskila ay Somaliland kasoo musaafurusay laas-Caanood.




