SAWIRO:-Madaxweyne Waare oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka G/Hiiraan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle   Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Beledweyne Kulan kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka Sida.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay sidii loo dejin lahaa xiisad ka dhalatay Odayaasha Gobolka Hiiraan oo diiday Ciidamo dowladda Amartay in laga qaado Baladweyne lana geeyo Magalada Dhuusamareeb.

Odayaasha Dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa Madaxweyne Waare iyo Saraakiisha Ciidamada ay u sheegeen inaysan raali ka aheyn in Ciidamo ku sugan baladweyne loo qaadoDhuusamareeb,isla markaana Gobolka Hiiraan uu u baahan yahay Ciidamadaas.

Ciidamada la doonayay in loo qaado Baladweyne ayaa ahaa 300 oo ka mid ah Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle,kuwaas oo tababar ku qaatay Baladweyne,hayeeshee Dowladda Soomaaliya ay dalbatay in lagu xoojiyo Ciidamada Dowladda eek u sugan Dhuusamareeb.

Kulanka Waxaa goob joog ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan  iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale.