SAWIRO:-Madaxweynayaashii hore oo kulamo ka bilaabay Beledweyne

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo madaxweynihii hore Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ahna hoggaamiyaha Xisbiga UPD ayaa waxaa ay kulamo ka bilaabeen Magaalada Baladweyne oo ay maanta booqdeen.

Labada Madaxweyne iyo Xubno Xildhibaano ah oo la socda ayaa waxaa ay kulmeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Ugaaska iyo Wafdiga Madasha xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay ka wada hadleen dhibaatada fatahaada ah ee ka jirta Gobolka Hiiraan iyo sidii  gargaar loo gaarsiin lahaa daka ka barakacay.