Taliyaha Guutada 15aad Ee Taliska qaybta 21aad Janeraal Mascuud Maxamed Warsame oo ay wehliyaan saraakil kale oo taliska katirsan welina kusugan Deg” balanbal ayaa kulan Ballaraan oo qayb ka ah gaarsiinta xalkii laga gaaray colaadihii deegaanka Kataagnaa Maanta laqaatay Dhalinyarada Deg” Balanbal.
Dhalinyaradaan oo isugu jiray ururka dhalinyarada iyo bahda Ciyaaraha ayaa lagu gorfeeyey doorka dhalinyaradu ku leedahay kaqayb qaadaashada Nabada deegaanka,wuxuuna Janeraalku dhalinyarada ku booriyey inay doorkooda kaqaataan sidii midnimo dhab ah loo gaari lahaa.
Sidoo kale wuxuu Bahda Ciyaaraha ku Adkeeyey Inay tagaan guriceel kuna soo Ciyaaraan Kubad saaxibtinimo si kor lugu qaado is dhex galka dhalinyarada labada magaalo oo muhiim u,ah Dhab u hashiisiinta deegaanka ka socota.




