Sawiro: Hubkii loosoo waday Soomaaliya ee gacanta lagu dhigay

Sawirada lasoo bandhigay ayaa muujinaayo muuqaalka dooni aan ku qiyaasay iney ka weyn tahay doonyaha kaluumeysiga caadiha ah ayna gaarsiisneen markab weyn taasi oo laga dajinayo hubka.

Noocyada hubka oo kala duwan marka laga yimaado, hubka ayaa ahaa mid cusub dhamaantii, waxaana laga dajiyay doonida oo sida la sheegay kusoo wajahneyd xeebaha dalka Soomaaliya.

Ma jirto faahfaahin dhaafsiiyay in doonida ay kusoo wajahneyd xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana soo baxay su’aalo badan oo ku saabsan hubkaasi oo gacanta ay ku dhigeen ciidamada badda Australia.

Goobta doonida lagu qabtay wey ka fog tahay xeebaha Soomaaliya, oo waa xeebaha dalka Cuman, waxaase la isweydiinayaa yaa loo waday hubka, halkee laga keenay & su’aalo kale oo hubkaasi la xiriira.

Admiral David Johston oo  kamid ah saraakiisha ciidanka badda Australia ayaa sheegay in feejignaan ciidamooda ay ku jireen  suurto gal ka dhigtay in doonidaasi gacanta lagu dhigo.

Shabaq weyn oo kaluunka lagu dabo ayaa hubka lagu qariyay, waxaana uu ka koobnaa 1989 qori oo Ak-47 ah, 100 gantaalada gacanta laga gano ah, 49 PKM oo Russian ah,iyo ku dhawaad 60 hoobiye ah.

Waxaa haatan socdo baaritaano lagu sameynayo wadanka laga keenay hubkaasi iyo cidda loo waday, laakiin waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in hubkaasi uu kusoo wajahnaa xeebaha dalka Soomaaliya, wallow aan si rasmi ah loo cayimin halka loo waday.

Hub-7

This Sept. 27, 2015 photo released by the U.S. Navy on Sept. 30, 2015, shows weapons and equipment confiscated from a dhow, aboard the deck of USS Forrest Sherman. A ship carrying illicit arms believed to be from Iran was intercepted last week off the southern Arabian Peninsula by a member of a U.S.-backed naval coalition and was not registered with any country, the U.S. Navy said Wednesday. The American description of the ship’s seizure conflicted in some instances with an earlier account provided by a separate Saudi-led coalition battling Yemen’s Shiite rebels, which claimed it had foiled the smuggling attempt. (Combined Maritime Forces photo via AP)
)

Hub-5 Hub-4 Hub-3

Weapons seized by HMAS Darwin from a small-arms smuggler boarded approximately 170 nautical miles off the coast of Oman.
W