Gaadiidkaan oo ah nooca kuwa Xamuulka qaado ah ayaa waxaa ay muddo Afar Cisho ah ku xayiran yihiin Isgoyska Ex-Koontrool Afgooye ee Muqdisho.
Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidkaas ayaa waxaa ay sheegeen in markii hore loo ogolaa inay xilliyada habeenkii ay ka gudbaan Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Muqdisho,hayeeshee gebi ahaanba laga joojiyey.
Waxaa ay sheegeen in ay bixiyeen Canshuurtii laga doonayey,balse tan iyo markii uu dhacay qarixii Ex-Koontorool Afgooye 28-kii Bishii December ee sanadki tegay ee 2019 uu soo wajahay culeys la xiriira maritaanka wadadaas.
Gaadiidkaan ku xayiran Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Muqdisho ayaa badeecado kala duwan u sida qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya,hayeeshee loo diidey inay Isgoyska ka gudbaan,waxaana wararka qaar ee la helayo ay sheegayaan in Maanta ay wadaan banaanbax,isla markaana Gaadiidka waaweyn ay wataan ay wadada ku xireen.




