Goordhow ayaa la filayaa in Faroonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magalada Dhuusamareeb ay ka degto diyaarad sida wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka ambabaxday Magalada Muqdisho.
Wasiirada amniga Iyo Gudaha Ee DFS iyo Taliyaha guutada 15aad ee qeybta 21aad Janeraal Mascuud Maxamed Warsame ayaa kusugan garoonka diyaarada Ugaas Nuur,iyaga oo isku diyaarinaya Soo Dhaweynta Madaxweynaha.
Sidoo kale Boqolaal ka mid ah Shacabka degmada Dhuusamareeb aya ku sugan Garoonka iyo banaankiisa si ay uga qeyb qaataan soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo, iyada oo aad loo adkeeyay Amniga Magalada.




