Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii labaad ka qayb-galay shirka Maalgashiga Puntland, waxaa uu Madaxweynuhu ka qayb-qaatay doodaha, fekerada shirka laysku weydaarsanayey iyo qiimaynta bandhigga maalgashadayaashu shirka kusoo bandhigeen.
Ajandaha maanta shirka looga hadlay waxaa kamid ahaa, Khayraadka iyo fursahada Maalgashi ee Puntland ka jira, Bandhigga Khayraadka Xoolaha, Khayraadka Beeraha iyo Degaanka, shuruucda dhaqaalaha iyo adeegyada Bangiyada, hirgelinta hal abuurka dhallinyarada, shaqa abuurka dhallinyarada, horumarinta xirfadaha, shuruucda dhaqaalaha, Tijnoolajiyadda iyo hal abuurka.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta waxaa uu la kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Bariga iyo Bartamaha Africa, kuwaas oo kasoo qayb-galay shirka Maalgashiga Puntland oo maalintii labaad ka socda caasimadda Garoowe.




