Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa Goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magalada Dhuusamareeb,waxaa ku soo dhaweeyay Xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirada Amniga iyo Arrimaha gudaha,Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha oo uu wehlinayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa haatan loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay ka bilaabi doonaan kulamo kala duwan.
Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu soo xiro Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug oo in ka badan 10 cisho ka socday Magalada Dhuusamareeb.



