SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga

Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Galabta Xafiiskiisa waxaa uu ku qaabilay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiyo Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Dal ee Walaalaha ah iyo sii wadida taageerada iyo Garab istaaga Dowlada Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tan iyo markii la Magacaabay waxaa uu waday kulamo kala duwan, iyada oo Maanta uu la kulmay Wakiilo ka socday Bangiga Adduunka.