SAWIRO: DFS oo ka tacsiyadeysay Muwaadin Sooomaaliyeed oo lagu dilay Suudaan

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Cabdirisaaq Axmed  Shoole oo xafiiskiisa ku qaabilay ehelada iyo qaraabada muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Suudaan ayaa uga warbixiyey xogta rasmiga ah ee laga hayo falkan iyo dadaallada ku qotoma arrinkan ee Safaaraddu ay waddo.

Danjire Shoole ayaa u tacsiyeeyay qoyska iyo qaraabada marxuum Cabdisamad Batuun Kaahin, kuwaas oo ka soo kicitamay magaalada Hargaysa  si ay goob joog uga noqdaan hannaanka sharci ee socda, kaalintoodana ay uga qaataan dhammeystirkeeda.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa bogaadiyey sida jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan ay u soo dhaweysay ehelada iyo qoyska marxuumka ee soo gaaray Khartoum, isagoona tilmaamay in Safaaraddu ay u taagan tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteenna ku sugan dalka Suudan.

Dowladda Suudaan ayaa gacanta ku haysa eedaysanaha dilkan ku lug leh oo isna ah muwaadin Soomaaliyeed, iyadoona ay socdaan baaritaannada la xiriira iyo tallaaboyinka sharci ee lagu wajahayo.