Kooxda Juventus ayaa ku guuleystay koobka Super Cup-ka dalka Talyaaniga kaddib marki ay xalay fiidkii 1-0 uga badisay AC Milan.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Boqor Cabdalla ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa qeybteedii hore waxay kusoo dhamaatay barbarro 0-0 ah.
Goolka kaliya ee ay Juve ku xaqiijisay guusha koobka ayaa waxaa saxiixay daqiiqdii 61-aad xidigooda Juventus Cristiano Ronaldo.
Guushaasi ayaa waxaa Juventus ay ka dhigtay kooxda ugu hanashada badan koobkan, iyadoo hadda qaaday 8 jeer.
Waxay aheyd marki 10-aad oo meel ka baxsan dalka Talyaaniga lagu ciyaaro koobka Super Cup-ka Talyaaniga.
Milan shalay waxaa ka maqnaa weeraryahankooda Gonzalo Higuain oo qarka u saaran inuu maanta ku biiro kooxda Chelsea, inkastoo tababare Gattuso sheegay in ciyaaryahanka reer Argentine uu la ildarnaa hargab.
Koobka ay Juve qaaday ayaa noqday kii ugu horreeyay ee uu Ronaldo u qaado kooxdiisa cusub ee Juventus.
Dhanka kale waxay aheyd marki ugu horreysay oo ciyaar caalami ah lagu qabto dalka Sacuudiga tan iyo dilkii wariye Jamal Kashikji oo lagu eedeeyay inuu ka danbeeyo amiirka leh dhaxalka Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Arrintaan ayaa dhaawacday magaca iyo muuqaalka boqortooyada.