SAWIRO:- Ciidanka Ammaanka oo Muqdisho ka sameeyay howlgal Miinooyin lagu soo saaray

Ciidamadda ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal ballaaran ka fuliyay gudaha iyo nawaaxiga Degmada Deyniile gaar ahaan xaafada Oodweyne.

Howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan ayaa Saraakiisha Ciidanka NISA gaar ahaan Duufaan ay sheegeen in lagu soo saaray miinooyin ay Al-Shabaab ku Aaseen halkaas.

Ujeedka howlgalka ayaa waxaa ay ku sheegeen in uu ahaa in Shacabka ay ka badbaadiyaan miinooyinkaas oo xogtooda ay heleen, isla markaana ay ku guuleysteen inay soo saaraan.

“Ciidamadda Duufaan ee NISA waxay aad ugu mahadcelinayaan dadka degaanka oo lasoo xiriiray laamaha Sirdoonka Caasimadda, kuna soo wargaliyey Miinadan  Al-shabaab dhulka ku Aaseen ayaa lagu yiri” War kasoo baxay CiidankanDuufaan.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska Soomaaliya gaar ahaan qeybta Waliyow Cadde ayaa howlgal amni xaqiijin ah waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka, Hodan Howl-wadaag, Wadajir iyo Dharkeenleey.

Howlgalkaan ayaa Saraakiishu sheegeen in uu ahaa mid looga jawaabayay cabashada Shacabka degmooyinkaas kasoo gaartay.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska qeybta Waliyow Cadde Cali Dhuux Cabdi Mahadalle ayaa sheegay in howlgalka intiisa badan uu ahaa mid looga hortagayay Kooxaha Burcadd ah, isla markaana ay ka hortagayaan waxkasta oo liddi ku ah amniga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka uu noqon doono mid sii socda ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo howlgalka lagu qabqabtay dad dhalinyaro u badan.

Howlgalladaan kala duwan oo Ciidamada dowladda ka sameeyeen degmooyin katirsan Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay qaar kamid ah Shacabka Muqdisho ay ka cabanayeen Kooxo dhac u geeysanaya.