SAWIRO:- Ciidamada Dowladda oo Balcad kusoo bandhigay waxyaabaha qarxa

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo isugu jira Boolis & Millateri kana howlgalla degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa Maanta ay  howlgal qorsheysan ka fuliyeen wadada u dhaxeysa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose & degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Holwgalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay ay weerar degmadaasi ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab,waxaan saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay ku guuleysteen inay miinooyin ay Al-Shabaab ku Aaseen wadada u dhaxeysa Balcad & Afgooye  kasoo saaraan.

Wadada Jaayga ah ee xiriira degmooyinka Afgooye  iyo Balcad ee Shabeellooyinka ayaa waxaa inta badan ku sugan xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen inay dhawaan ka saari doonaan.