Jose Mourinho oo sugaya in Zidane ka tago Real Madrid

Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku hayo inuu ku laabto Real Madrid iyadoo tababaraha reer Portugal uu xiriir xoogan la leeyahay madaxweynaha kooxda Los Blancos Florentino Perez.

Mourinho ayaa shaqo la’aan ah tan iyo markii shaqada Manchester United laga ceyriyay dabayaaqadii 2018.

Sida laga soo xigtay AS, tababarihii hore ee Porto wuxuu doortay inuusan la wareegin koox ilaa iyo haatan, wuxuu sugayaa inuu arko Zinedine Zidane oo ka tagaya garoonka Bernabeu.

Madrid ayaa si wanaagsan ku bilaabatay ololaha cusub ee La Liga – iyagoo urursaday afar dhibcood labadii kulan oo ay ciyaareen.

kooxda caasimada ka dhisan ayaa dhibco ku lumisay gurigeda kulankii ugu dmabeeyay oo ay wajahday Real Valladolid habeenkii sabtida.

Guul darrada kooxda ee ku aadan inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka Manchester United Paul Pogba ayaa la sheegayaa inuu ka careysan yahay Zidane, iyadoo la sheegayo in tababaraha reer France uu durbaba ka fiirsanayo mustaqbalkiisa inkastoo kaliya uu ku soo laabtay shaqada xilli ciyaareedkii hore.

Mourinho, oo ku hogaamiyay Madrid hanashada La Liga xilli ciyaareedkii 2011-12, ayaan wax shaqo ah qaban tan iyo markii uu ka tagay United sanadkii hore.