SAWIRO:- Booliska Gobolka Bari oo Gacanta ku dhigay Khamri farabadan

Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee ku sugan kaantaroolka Magaalada Boosaaso ayaa waxaa saaka ay ku guleesteen in ay gacanta ku dhigaan Khamri la doonaayay in Magalada Boosaaso si qarsoodi ah ay ku galiyaan Ciidamo kale.

War kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Kaantaroolka markasta heegan ugu jiraan waxkasta oo Magaalada Boosaaso soo gala iyo kabaxa si loo hubiyo Amniga Guud ee Magaalada.

Sidoo kale waxaa Boolisku sheegeen in Khamrigaan oo lagu soo guray Caagaga Saliida si aan loo moodin in ay ku jiraan dhalooyin khamri ah ayaa Hubin kadib ay ciidamada ay ku guleesteen in ay gacanta ku dhigaan, isla markaana uu soconayo Baaritaano khamrigaas iyo cidii loowaday.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku ah amniga waxana uu sheegay in ay kula xisaabtami donaan cidwalba oo ay khuseeso in khamrigaan ay soo galiyaan Magaalada Bosaaso.