SAWIRO:- 26 Sano ka dib Ciidamo booliis ah oo ka howlgalaya degmada Jalalaqsi

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Booliiska soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta gaaray Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa u gaaray degmada Jalalaqsi inuu bogaadiyo ciidamo booliis oo mudo 26 sano ka dib ka howl geli doonaan degmadaasi.

Taliyaha ayaa koormeeray Saldhig cusub oo ay ku shaqeynayaan ciidamada booliiska ah ee ka howl galaya degmada jalalaqsi, waxa uuna halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidamada booliiska ee degmadaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Maxamed Shiikh Xasan Xaamud ayaa shacabka degmada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarka ciidamada booliska degmada iyo dhamestirka Ciidama Booliska maadaama ay yihiin ciidamadii ugu horeyay ee boolis ah oo laga howlgaliyey Degmada.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Boolis-Jalalaqsi-1 Boolis-Jalalaqsi-2 Boolis-Jalalaqsi-4 Boolis-Jalalaqsi-5 Boolis-Jalalaqsi-6 Boolis-Jalalaqsi-7 Boolis-Jalalaqsi-8