Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa maanta Magaalada Kismaayo waxa uu ku soo bandhigay 2 nin oo Shabaab ka tirsan oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal Shabaab ah.
Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa sarkaalka Shabaabka ah ee ay soo bandhigeen waxa ay magaciisa ku sheegeen Sheekh Maxamed Sheekh Cabdi Cumar.
Sidoo kale Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in Labadan nin ee ka tirsan Shabaab ay si toos ah isugu soo dhiibeen Ciidanka Jubbland.
Maalmihii u dambeeyay Galbeedka Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacayay Dagaalo u dhaxeeyay Dad xoolo dhaqato ah oo garab ka helayay Ciidanka Jubbaland iyo Dagaalyahanada Shabaab, waxaana Dagaalkaas uu yimid kadib markii Shabaabka ay dadka xoolo dhaqatada ah ku amreen in ay bixiyaaan xoolaha Zakawaadka.


