Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza,ayaa sheegay in uu dacwad ka gudbinaayo mushaar la’aanta ciidankiisa jooga Somaliya ka heysata Midowga Afrika.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in ciidanka Burundi ee jooga Somaliya oo gaaraya 5,000 oo Askari aysan Mushaar qaadan muddo 11 Bilood ah.
Ciidanka Burundi ayaanan 11 bilood qaadan Mushaar,kaas oo ay dhamaantiisba bixiso Midowga Yurub,waxaase mugdiga ka jiraa xiriirka Burundi iyo Midowga Yurub oo go’ay billowgii Sanadkan kadib markii Madaxweyne Nkurunziza uu mar saddexaad u tartamay doorashada madaxtinimada dalkaas khilaaf ka dhashayna sababay in Gabood fallo ka dhan ah aadanaha ka dhacaan dalkaas.
Midowga Yurub ayaa Bishii saddexaad ee sanadkan guud ahaan hakisay waxkasta oo xiriir ah oo ay la lahayd waxaana ay ka gadood saneyd ku tumashada xuquuqda aadanaha ee ay sheegtay in ay ka jirtay Burundi.
Madaxweynaha Burundi ayaa yiri “lama afduubi karo xaqa iyo danaha aan leenahay oo ay ka mid tahay magdhowga ciidamadeenna ku dhintay Somaliya.”
Dowladda Burundi ayaa ka carootay go’aan ay horay u qaadatay Midowga Yurub oo ahaa in Mushaarka Ciidanka lagu shubayo Akoonnada gaarka ah ee Ciidanka,waxaana ay ku hanjabtay in ay ka baxeyso Somaliya.
Dowladda Burundi ayaa ku tilmaamtay go’aanka Midowga Yurub mid lagu doonayo bur burinta Ciidanka dalkeeda,waxaana ay ka soo horjeesatay go’aankaas.


