Sarkaal lagu tuhmayo Al-shabaab oo lagu maxkamadeynayo dalka Kenya

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay maxkamadeynayso sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Booliska dalka Kenya , kasoo lagu eedeeyay in uu gacan saar la leeyahay ururka Al-Shabaab.

Sarkaalkaan ayaa lagu eedeeyay in uu maleegay weeraro argagixiso oo dhacay saldhiga degaanka Kapenguria dalka Kenya , halkaasi oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ku dhawaad 8 ka mid ah ciidanka dowladda Kenya.

Abdi Jelle Ali ayaa la sheegay in bartiisa Facebooga uu kusoo qoray erayo uu ku taageerayo Al-Shabaab sidoo kale ururo Argagixiso sida uu sheegay dacwad oogaha maxkamada dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in ay ku raad joogto saraakiil la mid ah Abdi Jelle Ali oo lagu eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin ururka Al-Shabaab.