Sarkaal katirsanaa Laanta Canshuuraha Galmudug oo Gaalkacyo lagu dilay

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha Galmudug.

Sarkaalka la dilay  ayaa lagu magacaabi Jiray Maxamed Cali Gurey.

Dilka ayaa yimid ka dib markii uu isku dayay in uu ka qaado Canshuur mid ah ka mid ah Ganacsatada Suuq weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in uu toogtay Sarkaalka ka dibna uu baxday.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa hadda degan, waxaana howlgallo ka wadda ciidanka Galmudug.