Sawirro+Faahfaahin Qarax ay ku dhinteen 50 qof

Ugu Yaraan 50 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo ku Qarxay Magaalada A’zaz ee dalk Suuriya.

Qarax ayaa ka dhacay Meel Mashquul badan oo joogeen dad shacab ah.

Dhaawaca ayaa ka badan 60 sida uu warbaahinta u sheegay Sarkaal Sare oo ka tirsan Laamaha ammaanka dalka Suuriya.

Magaalada Azaz ayaa u dhow Xadka ay wadaagaan Turkiga iyo Suuriya, waxaana ay magaaladaasi 7 km u jirta xadka Turkiga.

download 2ee35cdc-e241-4158-825a-7893a2dd15ed