DHAGEYSO: Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo eedeeyn loo jeediyay

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Cadceed Cismaan Shuuriye  ayaa sheegay in gudoomiyaha gobolka Banaadir uu siinaayo hantidii Qaranka dad aan shaqeynsan , islamarkaana uu sameystay Iskaashatooyinka asaga u gaar ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gudoomiyaha gobolka Banaadir uu xaqirayo hantida ay leeyihiin Iskaashatooyinka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Iskaashatooyinka waxa ay ku eedeeynayaan in uu hantidii Qaranka gacanta u galayay shaqsiyaad gaar ah.