Dableey hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday guri ku yaalo Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir, guriga la weerary ayaa waxaa deganaa Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS isla markaana ah U-qeybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda JFS ee Magaalada Kampala ee Dalka Uganda. Sarkaalka la weeraray ayaa magaciisa lagu sheegay Sadiiq Cabdi Caddaawe.
Weerarka ayaa dhacay xalay waqti dambe abaare seddaxdi habeenimo. Dableey ku hubeysan hubka fud-fud ayaa xalay xili dambe u dhaceen guri uu deganaa sarkaal ka tirsan Dawaladda Soomaliya inkastoo la sheegay in uu badabaaday weerarka. Dad ka agdhawaa goobta weerarka uu ka dhacay ayaa Risaala Media u xaqiiyay in ay maqleen dhawaqa rasaas xooggan oo ay ridayeen dableyda weerarka soo qaaday muddo daqiiqada ah.
Hay’adaha ammaanka ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin dhacdadaan ka dhacday degmada Yaaqshiid.
Dhacdadan ayaa argagax ku abuurtay shacabka ku dhaqan degmada Yaaqshiid ee Gobalka banaadir.
Inta badan kooxda al-shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ku beegsada saraakisha sar-sare ee Dawladda Soomaliya, shaqaalaha rayidka iyo ciidamada amniga.



