Sarkaal horay uga tirsanaa Ciidamada Puntland oo la dilay

Waxaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari  Puntland agu dilay Taliyihii hore ee kantoroolka Bosaaso Barkhad Maxamed Jaamac oo loo yaqaanay Guduudane, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay Goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag ku hubeysnaa Bustoolado ay Barkhad Maxamed Jaamac kudileen xilli uu ku sugnaa waddo aad mashquul u ah oo shacab badan ay joogeen gashana suuqa Magaalada Boosaaso, iyada oo goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen Ciidamo katirsan Booliska Puntland balse aysan ku guuleysan soo qabashada dadkii dilka geystay.

Sarkaal Guduudane oo darajadiisu ahayd kabtan ayaa Ciidamada laga ruqseeyey sanad kahor markii Ciidamada iyo saraakiisha Puntland lagu xareeyey kuliyadaha booliska ee Carmo Iyo Xorgoble , sida xaqiijiyeen dad marxuumka lasoo shaqeeyey, waxaana sababta ruqseynta lagu sheegay in siyaasadda Xukuumadda madaxwayne Deni ay tahay askarigii ama sarkaalkii aan kuliyadahaasi gelin la ruqseeyo, isagoona diiday inuu kuliyadahaasi oo ciidamada iyo saraakiisha lagu xaraynayay sanad kahor uu galo.

Alle ha u Naxariisteen Barkhad Maxamed Jaamac oo loo yaqaanay Guduudane  ayaa laba jeer oo hore soo noqday taliyaha kantoroolka  Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.