Doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu qabtay Kismaayo

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland lagu qabtay doorashada Saddexda kamid ah Kuraasta   Golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah, Hop0126, Hop118 iyo Hop127.

Kursiga Koowaad oo ah Hop0126 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Idiris Ganeey ayaa waxaa Maanta ku tartamay Wasiirka Gaadiidka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eelaay & Cabdiraxmaan Macalin Xuseen, waxaana ku guuleystay Xasan Xuseen Maxamed Eelaay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal oo ku dhawaaqay nagiijada ayaa sheegay in Xasan Xuseen Maxamed Eelaay uu helay 74 Cod halka Cabdiraxmaan Macalin Xuseen oo la tartanayay uu helay 21 Cod, waxaana halaabay 5 Cod.

Kursiga labaad ee doorashadii Maanta oo ahaa HOP127 ayaa waxaa ku tartamay Cabdiqaadir Cabdullaahi Xirsi iyo Dr Axmed Aadan Axmed, balse waxaa kursiga ku guuleystay  Dr. Axmed Aadan Axmed oo helay 84 Cod halka Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi uu helay 16 cod, waxaana halaabay 1 Cod.

Kursiga Saddexaad ee ugu dambeeya doorashada Maanta lagu qabtay Kismaayo ee HOP118 ayaa waxaa ku tartami lahaa Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf Maxamed Ismaaciil, hayeeshee waxaa tanaasulay Cumar Maxamed Cumar, waxaana cod Gacan taag ah loogu codeeyay Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ku guuleystay kursiga HOP118.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu qabto doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland.