
Ciidamadda xoogga dalka iyo kuwa NISA ayaa howlgallo culus ka sameeyay degaano kuyaalla bariga magaalooyinka Dhusamareeb iyo guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay inay howlgalka ku qabteen waxyaabaha qarxa oo Al-Shabaab doonayeen inay dadka ku dhibaateeyaan, sidoo kalena ay dileen 20 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Ciidanka xoogga Dalka ay maalmihii ugu dambeeyay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, taasi oo keentay inay ku guuleeystaan kahortaga dhagar badan òo ay soo maleegeen, isla markaana ay ka dileen Saraakiil iyo xubno badan sida uu hadalka u dhigay.
Taliye Odawaa wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciifamada ay sii wadi soonaan howlgallada ka dhan ah Al-Shabaa ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa mararka waar dhaq dhawaaqyo Ciidan ka sameeya Ururka Al-Shabaab, waxaana dagaal kala hortaga Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.



