Muqdisho-RisaalaFM- Saraakiisha Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay beeniyeen in la boobay qalabkii yaallay xerada Gen. Gordan oo Imaaraadka ay ku tababaraan Ciidamo Soomaali ah, kadib markii warbaahinta qaar ee gudaha ay baahiyeen wararkaasi.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Idaacadda Codka Qalabka Sida ayaa sheegay in aysan warka ah in qalab Millitari laga qaatay xerada Gen. Gordan ee ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegay Sarkaalkan warkaasi inuu yahay mid lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in Maxkamad ay la tiigsan doonaan Idaacadaha baahiyay warkaasi.
“Ma jiro wax iska hor imaad ah ama wax biliqo ah oo ka dhacay xerada Gen. Gordan, saacadaan aan hada kula hadlayo anigaa joogo, Abaanduulaha ayaa soo booqday xerada, Idaacadda warkaasi baahisay waan la xisaabtameynaa,” Ayuu yiri Sarkaalkan.