Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo tababar loogu soo xiray Sudan

Khartoum-RisaalaFM- Munaasabad lagu qabtay magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan ayaa waxaa tababar loogu soo xiray Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga galka Soomaaliyeed oo in mudo ah tababar uga Socday xero ciidan oo ku taal gudaha dalka Sudan.

Xiritaanka tababarkaani ayaa waxaa goob joog ka ahaan madaxda dowladda Sudan oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, wasiirka gaashaandhiga Sudaan, madaxda safaarada Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale oo aad u farabadan.

Saraakiisha tababarka u soo idlaaday ayaa soo bandhigay dhoola tus aad u qurux badnaa oo ay la dhaceen madaxda iyo shacabki u soo daawasho tagay gaado ka cayaarka saraakiisa tababarka u soo idlaaday.

Dalka Sudan ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka sida aadka u dhaw udaneeya arimaha Soomaaliya, waxaana dalkaani uu qeyb weyn ka qaatay dib u soo kabashada dowladda Soomaaliya oo ah mid haatan cagta saartay wadadii horumarka.