Saraakiil ka socota Booliska AMISOM oo gaaray Garbahaareey & ujeedka oo la shaaciyay

Saraakiil ka socota Ciidamada Booliska AMISOM ayaa waxaa ay Maanta gaareen degmada Garbahareey oo ah Xarunta Gobolka Gedo, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha degmada Garbahaareey ayaa waxaa wafdiga saraakiisha ah kusoo dhaweeyay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo,Taliyaha Booliska Gobolka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka degmada Garbahaareey.

Ujeedada wafdiga ka socda Saraakiisha Booliska AMISOM ay ku tageen degmada Garbahaareey ayaa waxa lagu sheegay hubinta Amniga goobaha doorashada lagu qabanayo, iyada oo la filayo in dhawaan halkaasi la geeyo Ciidamo ka socda Booliska AMISOM.

Saraakiisha ka socota Booliska AMISOM ee gaaray degmada Garbahaareey ayaa ka kala socda wadamada Ugandha, Kenya, Seirra Leone iyo Nigeria, waxaana ay kormer ku sameeynayan goobaha loo diyaariyay inay ka dhacdo doorashada si loo geeyo Ciidamo ka tirsan Booliska AMISOM.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha lagu qabanayo doorashada Xildhibaannada labada Aqal, waxaana sugaya Amniga doorashada Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM, sida lagu sheegay heshiiskii doorasho ee 27-kii Bishii May lagu gaaray Magaalada Muqdisho.