SAWIRO:-Dab khasaaro geystay oo ka kacay Goob Ganacsi oo ku taal Muqdisho

Dabkaan oo geystay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa waxaa uu ka kacay Kaalin Shidaalka lagu iibiy oo ku yaal Isgoyska Blacksea ee Magaalada muqdisho, waxaana uu ku faafay goobo Ganacsi oo horleh kuna dhawaan halka uu dabka ka kacay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in dabka u ka bilaawday Diinimada booyad Shidaal ku dejineysay Kaalinta Shidaalka lagu iibiyo, isla markaana uu ku baahay Goobo kale, iyada oo uu ku dhintay dabka hal Ruux.

Qaar kamid ah Ganacsatada laheyd Goobaha dabka uu ka kacay ayaa sheegay in Hanti isugu jirta Shidaal farabadan, Lacag Shilin Soomaali ah iyo Agab kale ay ku baaba’een, kuwaas oo uu damba saameeyay.

Gawaarida dam-demiska iyo dadweyne gurmad xoogan sameeyay kadib ayaa waxaa lagu guuleystay in la demiyo dabkaas, si uusan ugu sii faafin goobo kale qasaarahana u sii badan.

Inta badan Goobaha Ganacsi ee ku yaal magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa ka kaca dab geysta khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan, kaidb markii aan lagu guuleysan in si deg deg ah loo demiyo.