Daawo Maamulka Risaala oo shahaado sharaf bixiyey

Iyadoo Idaacadda Risaala ay maanta udabaal degtay sanadguuradeedii 5–aad ayaa maamulka Idaacadda Risaala waxa uu shahaado sharaf gudoonsiiyay gudigii horkacayay barnaamijkii indhafiiqista Idaacadda Risaala ay qabatay iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacadda.

Maamulka Idaacadda ayaa mar walba waxa ay dhiira galin usameeyaan dadka jilicsan oo garabka ubaahan.

Idaacadda Risaala ayaa sanadkan waxa ay bulshada ka haqabtirtay waxyaabo badan oo ay ubaahan yihiin waxaana sanadkan ay indho fiiqis usameysay ku dhowaad 22 qof oo ka mid ah dadka danta yar.

Gudi ay Idaacadda Risaala umagacawday in ay ka qeyb qaataan barnaamijka indhifiiqista ayaa maanta waxa ay ka soo qeyb galeen sanadguuradii 5–aad ee Idaacadda Risaala, Waxaana gudigaas lagoonsiiyay shahaado sharaf.

Dhanka kale maamulka Idaacadda Risaala oo uu ugu horeeyo Al-ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa waxa uu shahaado shaqo wanaag gudoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacadda, iyadoo shahaado sharafta lagu gudoonsiiyay kadib markii ay sanadkan soo bandhigeen waxqabad muuqda.

Maanta ayay aheyd markii Idaacadda Risaala ay udabaal degtay sanadguuradeedii 5-aad markii dhidibada loo taagay.

IMG_2199IMG_2196IMG_2311IMG_2197IMG_2150IMG_2163IMG_2174