Idaacadda Risaala ayaa maanta waxa ay udabaal degtay sanadguuradeedii 5-aad markii dhibada loo taagay.
Munaasabad ka dhacday Hoolka weyn ee Idaacadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Guud ee Idaacadda, Martisharaf, Bahda saxaafadda iyo qeybaha kale ee bulshada.
Idaacadda Risaala ayaa waxa ay soo bandhigtay waxqabadkeeda sanadkii la soo dhaafay, waxaana ka mid ah waxyaabihii ay ku guuleysatay in ay indhafiiqis bilaash ah usameyso ku dhowaad dad gaaraya 22 qof.
Maamulka Idaacadda ayaa waxa ay shahaado shaqo wanaag ku abaal mariyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacadda.
Dhageystayaasha Idaacadda ku tixan ayaa soo booqday xarunta dhexe ee Idaacadda iyagoo nala qeybsaday farxada aynu ugu dabaal degnay sanadguuradii 5-aad.
Waxaana Alle ka baryeynaa in sanadkan kiisa kale nabad iyo barwaaqo nagu gaarsiiyo.








