Saldhiga degmada Waajid oo laga waayay qol maxaabiista lagu xiro

Maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa xaqiijiyay in degmadaasi Saldhiga ku yaalla laga waayay qol lagu xiro dadka Maxaabiista ah ee ay soo qabtaan Ciidamada Ammaanka.

Taliyaha Saldhigga Waajid Cali Xasan Ibraahim ayaa warbaahinta u sheegay in burbur xooggan uu ka muuqdo Saldhigga,islamarkaana la doonaayo in lagu sameeyo dayactir.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen dad dambiyo kala duwan ka galay degmada,islamarkaana loo waayay meel lagu xiro.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in si deg deg ah loo dayactiro Saldhigga.

Sidoo kale Ganacsatadda iyo Qurba joogta degaanka ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Dayactir lagu sameeyo Saldhigga degmada Waajid.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntii xusay in dowladdii Maxamed Siyaad Barre uu hoggaan jiray ay ugu dambeysay dayactir lagu sameeyo saldhigga degmada Waajid.