Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa 1-1 ku kala baxeen kulankii adkaa ee garoonka Anfield ka dhacay.
Salah ayaa Liverpool qaybta labaad cayaarta hogaanka u dhiibay balse kulankaan oo 5-daqiiqo ka harsan Chelsea waxaa guuldaro ka bad baadiyay Willian oo badal kusoo galay asigoo dhaliyay kubad uu qalad ku lahaa goolhaye Mignolet.
Kulankaan ma ahayn mid furan waayo labada koox taxadir badan ayay muujinayeen midaasna waxay sababtay in fursado badan oo aan halis ahayn la isku helin.
Inkastoo Liverpool kubad heesasho badneyd oo xitaa 65% kubada heesatay inta badan qaybta kowaad hadana Reds marnaba goolhaye Courtious halis ma aysan galinin.
Eden Hazard ayaa halistii ugu weyneed Liverpool galiyay qaybtii hore balse goolhaye Mignolet ayaa ka bad baadiyay laadkii uu goosha Reds la helay 30-kii daqiiqo hore cayaarta.
Salah ayaa Liverpool ugu halis badnaa isagana marnaba goosha Chelsea kubad ma uusan ku aadinin taasi oo ka dhigan in Liverpool halis badan galinin daafacyada Chelsea.
Qaybta hore ee cayaarta oo 0-0 kusoo idlaatay macalin Conte wuu ku qanacsan yahay natiijada madaama kooxdiisa safar tahay sidaa darteed Klopp iyo Liverpool ayaa laga rabaa xiliga nasiinada kadib inay la imaadaan falsafad ay daafacyada Chelsea ku kala furaan.
Qaybta labaad ee cayaarta markii la isku soo laabtay Liverpool ayaa dar dar lasoo gashay si ay xili hore Chelsea gool kaga dhaliyaan balse uma suura galin.
Mohamed Salah ayaa Liverpool hogaanka u dhiibay daqiiqadii 65-aad wuxuuna gool u badalay kubad ka daba timid kadib markii daafacyada Chelsea ka qaldeen baas ay isku dhiib dhiibteen Coutinho iyo Chamberlain.
Salah ayaa diiday inuu dabaal dago asigoo xushmad u muujiyay kooxdiisii hore Chelsea balse jamaahiirta gudaha Anfield ku jirtay ayaa siweyn u dabaal dageen.
Macalin Klopp ayaa badal sameeyay daqiiqadii 66-aad wuxuuna keenay G. Wijnaldum asigoo badalay Sturridge.
Macalin Conte isagana shaxdiisa ayuu wax ka badalay asigoo keenay Fabregas wuxuuna badalay Drinkwater daqiiqadii 74-aad.
Pedro ayaa soo galay daqiiqadii 77-aad wuxuuna badalay Bakayoko ayadoo Chelsea kubad weerar ku dheehan lasoo baxday.
Daqiiqadii 78-aad Liverpool waxaa fursad dahabi ah ka qasaariyay Wijnaldum asigoo darbad goosha Chelsea la helay balse Cahill ayaa isku dhigay.
Willian ayaa badal kusoo galay daqiiqadii 83-aad wuxuuna badalay D. Zappacosta wuxuuna Willian cayaarta ka dhigay 1-1 daqiiqadii 85-aad kadib markii kubad uu soo karoosay goolhaye Mignolet gaari waayay sidaasna shabaqa looga soo dhex qaaday.
Klopp ayaa labo badal deg deg ah sameeyay wuxuuna garoonka ka saaray Coutinho iyo Chamberlain asigoo soo galiyay Mane iyo Lallana oo mudo dheer kadib garoomada kusoo laabtay.
Kulankaan sedex daqiiqo ayaa lagu daray waxaana Liverpool guusha siin rabay Salah daqiiqadii 91-aad asigoo durbad xoogan goosha Chelsea la helay balse goolhaye Courtois ayaa ka bad baadiyay.
Cayaarta ayaa 1-1 kusoo idlaatay taasi oo ka dhigan in sedex sano oo xariir ah garoonka Anfield labadaan naadi bar bar dhac 1-1 ku galayaan.
Chelsea waxay leedahay 26-dhibcood ayadoo cayaartay 13-kulan waxayna ku jiraan kalainta 3-aad.
Liverpool waxay leeyihiin 23-dhibcood ayagoo cayaareen 13-kulan waxayna ku jiraan kaalina 5-aad ayagoo hal dhibic ka hooseeyaan Tottenham oo booska 4-aad fadhiyaan.



