Safaaradda Mareykanka ee Kyiv ayaa si ku meel gaar ah loo xiray ka dib markii ay heshay “xog gaar ah oo ku saabsan weerar diyaaradeed oo oo dhici kara maanta oo ay bishu tahay 20-ka November”.
“Taxaddar badan awgeed, safaaradda waa la xirayaa, shaqaalaha safaaradda waxaa la farayaa inay gabaad raadsadaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed la soo saaray.
Safaaradda ayaa sidoo kale ku talisay in muwaadiniinta Mareykanka ay u diyaar garoobaan haddii ay dhacdo in digniin dhanka hawada ah lagu dhawaaqo.



