Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro kagana guulaystay doorashadii 13-kii bishaan dhacday.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu ku yiri :”Hambalyo Madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro),”.
Wuxuu ballan qaaday inuu taageerayo isla markaana uu si habsami leh xilka uu ugu wareejin doono.
Wuxuu u rajeyay in muddada uu xilka hayo madaxweynaha cusub uu ku tallaabsado guul iyo horumar uu gaarsiiyo Somaliland.



