Danjiraha Denmarka ee Soomaaliya oo ka Cudur daar ka bixiyay hadal ay ka carootay DFS

Safiirka Denmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa soo saaray qoraal uu ku caddeeyay inay Danmark ixtiraameyso Midnimada Dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya iyo inay Somaliland tahay Qeyb muhiim ah oo ka tirsan Somaliya.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay shalay kulan yeesheen Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo safiirka, iyadoo kulankani uu yimid canaan wasiirku u jeediyay safiirka.
“Shalay waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Fiqi, waxaan u caddeeyay hadalladii aan ka iri Doorashada Somaliland ee walaaca abuuray inaysan ahayn ku talo-gal”. Ayuu qoraalkiisa ku yiri Safiirka Denmark.
“Danmark waxay sii wadeysaa inay ixtiraamto midnimada Dhuleed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto in Somaliland ay qeyb muhiim ah ka tahay Soomaaliya.” Ayuu qoraalkiisa sii raaciyay Safiirka.