Saddex Masjid oo lagu gubay magaalada Motta

Ugu yaraan saddex masjid ayaa waxaa lagu weerraray gobolka Amxaarada ee waddanka Itoobiya.

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya  magaalada Motta oo ay ku nool yihiin dad haysto diimo kala duwan ayaa sheegaya in qulqulatooyinka ay dhaceen kaddib markii dab aan la filayn uu ka kacay kaniisad caan ah oo magaaladaasi ku taal.

Haddaba dhalinyaro caraysan oo laga shakisan yahay ayaa habeenkii Jimcaha waxa ay weerrareen masaajidda.

Jemal Mekonnen waa taliyaha booliska ee gobolka Amxaarada waxaana uu xaqiijiyay Khasaare kala duwan ee ka dhashay Weerarka Masaajida.

”Isku daygu waxa uu ahaa in la gubo kaniisadda st George oo ku taalla magaalada Motta xalay oo dab ayaa la qabadsiiyay balse dadka ayaa damiyay dabkaasi”.

”Markaasi ka dib ayaa waxay dhalinyaro bilaabeen in weeraraan masaajidyo ,hal masjid ayaa gabi ahaanba la gubay halka labo kale qeyb laga gubay”, ayuu yiri abaanduulaha booliiska gobolka Amxaarada”.