Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dil toogasho ah ku fulisay muwaadin Soomaali ah oo ka mid ahaa 45 maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay dambiga ah in ay dalka Sacuudiga galinayeen mukhaadaraad ama daroogo.
Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga Aweys Xaaji Yuusuf ayaa xaqiijiyay in maxbuuskaas la dilay. Wuxuu sheegay in go’aanka lagu toogtay mid ka mid ah maxaabiistii Soomaaliyeed uu la yaab ku noqday.
Maxaabiista kale ee Soomaalida ah ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in laga badbaadiyo xukunka dilka ah ee lagu riday, maadaama maanta la toogtay mid ka mid ah.
Maxaabiistan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof ayaa xilliyo kala duwan lagu qabtay Sacuudiga, iyagoo lagu eedeeyay inay dalkaas soo geliyeen maandooriye.
Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay qaado talaabo loogu hortagayo xukuno ay dowladda Sacuudiga ku fulinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.
Sanadkii 2024, Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay in ka badan 300 qof, taas oo muujineysa in boqortooyadu ay sii waddo fulinta xukunnada dilka ah ee la xiriira dambiyada maandooriyaha iyo kuwa kale.



