Imaaraadka Carabta oo duqeyn la beegsatay Keydkii hubka ee Daacish

Diyaarado dagaal ayaa galabta duqeymo la beegsaday saldhigyo kooxda Daacish ay ku leeyihiin Buuraleyda Calimiskaad ee G/Bari.

Duqeynta ayaa waxaa ay si gaar ah ugu dhacday deegaanka Dhasaan, waxaana halkaasi lagu gubay Keydkii hubka ee kooxda Daacish.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska howlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

“Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraadka ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw deegaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa lagubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana
Argagixisada Daacish.”ayaa lagi yiri qoraalka.

 

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu raacay “Dowladda Puntland waxay Saaxibada Imaaraadka uga mahadcelinaysaa gacanta joogtada ah ee ay ka geysanayso dagaalka ay Puntland kula jirto Argagixisada Daacish/ISIS.”

Dowladdaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka qeyb qaadanaya duqeymo lala beegaanayo saldhigyada Kooxda Daacish ay ku leeyihiin Buuraleyda Cali-Miskaad ee gobolka Bari