Q.M iyo hay’addo sirdoon oo shaaciyay in xogo la xiriira Hoggaamiyaha Daacish ee Cabdiqaadir Mu’min

Warbixin ay toddobaadkan soo saartay kooxda dabagalka cunnaqabataynta Qaramada Midoobay, kuna salaysan sirdoonka dowlado xubno ka ah Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in si weyn loogu kalsoonaan karo in Hoggaanka Daacish uu yahay Cabdulqaadir Muumin, oo sidoo kale madax u ah laanta kooxdan argagixisada ah ee ka howlgasha Soomaaliya.

Tirada dalalka rumeysan inay aqoonsadeen hoggaamiyaha maamula hawlgallada caalamiga ah ee kooxda Daacish ayaa sii kordhaysa, sida ay qortay VOA-da.

Warbixin ayaa la sheegay in Doorka Muumin ee hawlaha caalamiga ah ee Daacish marnaba shaki lama galin., iyadoona macluumaadka hore ee sirdoonka Qaramada Midoobay ay tilmaameen in loo dallacsiiyay hoggaanka Waaxda Guud ee Gobollada ee Dowladda Islaamka, taas oo u oggolaanaysa inuu xukumo laamaha kooxda ee Afrika.

Qiimeyntaas ayaa u muuqata mid sii xoogeysanaysa, iyadoo dalal badan oo xubno ka ah Qaramada Midoobay ay isku raaceen in Daacish ay la jaanqaadeyso xaaladaha dhabta ah ee ka jira Ciraaq iyo Suuriya, taas oo ka dhigaysa inay muhiim tahay in ay saraakiisheeda muhiimka ah u rarato gobollo kale.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Tan iyo dilkii hoggaamiyihii Daacish Abu Bakr al-Baghdadi sanadkii 2019 iyo beddelkiisii sanadkii 2022, kooxda ay isku dayday inay qariso aqoonsiga hoggaamiyayaasheeda, iyadoo yareynaysa muuqaaladooda dadweynaha.

Sidoo kale Warbixinta Qaramada Midoobay ee toddobaadkan ayaa sheegtay in tan iyo weerarkaas, Muumin uu qaaday tallaabooyin lagu yareynayo in kooxda lagu soo jeediyo indhaha dibadda.

Macluumaadka iyo xogaha ayaa sidoo kale Warbixinta lagu sheegay in Muumin xaruntiisa hawlgalka ku qeexday Buur Dhexaad, oo ah godad iyo dhismayaal difaac ah oo ku yaalla buuraleyda Cal Miskaad ee Golis, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka hortagaan duqeymaha cirka ee Reer Galbeedka.

Ma jiro weli faahfaahin ka soo baxay kooxda Daacish.